Taariikhdeyda
Anigu
waxaan ku dhashay magaalada Burco taariikhdu markay ahayd 1964 kii waxanse
noloshaydii caruurnimo badideedii ku qaatay magaalada Jabuuti halkaasoo uu
aabahay shaqaale ka ahaa muddo dheer. Markii aan siddeed jir ahaa ayaa dugsi
quraan oo ku yaalay magaalada Jabuuti ay hooyaday I geysay halkaasoo aan ka
bilaabay waxbarashada quraanka. Runtii yaraantaydii waxan ahaa arday aad u
fahmo badan oo waxkastoo macalinku ii sheego si habboon ayaan u akhrin jiray
ilaa aan qalbiga ku qabto oo aan xafido. Mana aan seexan jirin ilaa aan
casharkeyga xafido. Mara fara badanna waxan guriga iman jiray iyadoo aan sito
quraarad Vimto ah amaba qalimo cusub kuwaasoo aan ku heli jiray abaalgud ahaan.
Aabahay had iyo goor shaqada ayuu ku maqnaan jiray oo uu mashquul ku ahaan
jiray reerkana aniga ayaa curad u ahaa sidaa aawadeed aniga ayaa waxbarashadeyda
aad ugu dadaali jiray. Caruurnimadeydii waxan ahaa wiil yar oo aad u su’aalo
badan hooyadey oo aheyd qofka iigu dhowna waxan marar badan weydiin jiray
su’aalo waaweyn oo waxyaalo kala duwan ku saabsan. Waxan xusuustaa maalin ay
hooyo badda I geysay markaasaan intaan badda weynaanteedii ka yaabay aan hooyo
ku idhi: "hooyo badda maxaa xagga shishe ka xiga?” hooyona waxay iigu
jawaabtay: "hooyo Ilaah baa garanaya”. Maalin kalena intaan xanuunsadey ayaa
hooyo waxay I geysay meel dhakhtar ah oo ay naago Faransiis ah oo maryo cadcad
gashani ay joogaan. Naagahaasi waxay ahaayeen soorooyin ama "maanseerdo”
kiniisadda kaatooliigga ka socday oo dadka liita iyo kuwa jiran u sama fali
jirey. Mid kamida ayaa baadhis caafimaad igu sameysay kadibna daawo ayey I siisay
markaasay hooyo u sheegtay sidii aan daawadaas u qaadan lahaa iyadoo afsoomaali
ku hadleysa. Gabadhaas caddaanka ahayd waxa kaloo ay I siisay qalab caruureed
oo aan ku cayaaro oo dhowr ah. Waqtigaas waxan ahaa todoba jir. Markii aan
guriga u soo laabaneyney ee aan jidka ku soo jirnay ayaan ka fekeray dumarkii
cadcaddaa ee dhakhtarka ka shaqeynayey iyo naxariistoodii markaasaan hooyo ku
idhi: "hooyo naagihii cadcaddaa maxay ahaayeen?” hooyona waxay iigu jawaabtay:
"naagahaas cadcaddi waa maanseerado (soorooyin) kiristaana”. Markaasaan hooyo
ku idhi: "hooyo kiristaanku waa maxay?” hooyo ayaa iigu jawaabtay: "hooyo
kiristaanku waa dadka nebi Ciise rumeysan”. " oo waa maxay nebi Ciise?” ayaan
markale hooyo weydiiyey. Hooyo ayaa igu tidhi: "nebi Ciise wuxuu ahaa nebi
dadka buka daaweyn jiray, kuwa dhintayna nooleyn jiray, masaakiintana u
samafali jiray”. Runtii jawaabtaas ay hooyo I siisay anigoo todoba jira iyo
naxariistii ay dumarkii soorooyinka ahaa I tuseen qalbigeyga ayey muddo aad u
dheer ku jirtay waxayna keentay inaan arintaa nebi Ciise ku saabsan ka fekero
isla markaana aan nebi Ciise ixtiraam weyn u qaado. Sikasteba ha ahaatee markii
aan laba iyo toban jir ahaa ayaan quraanka dhammeeyey hooyona waxay igeysay
iskuul kale oo kii hore ka weyn kaasoo lagu baran jiray naxwaha luqadda
Carabiga, xisaabta iyo luqadda Faransiiska. Waxa kaloo intaa ii dheeraa inaan
galab kaste salaadda casar kadib aan masaajid gurigayaga ku dhowaa aan ka
dhegeysan jiray tafsiirka quraanka. Waqtigaas waxaan aad u jeclaa ciyaarta, sheekooyinka
iyo waxyaalihii dhacay taariikhihii hore dhegeysigooda iyo weliba u samafalka
dadka da’da ah ee indhahala’ salaaddana waan tukan jiray. Hadaba markay
taariikhdu aheyd 1975 kii ayaa qoyskayagii waxa ku soo korodhay arin cusub oo
qas iyo qalaanqal ka dhex abuurtay aabahay iyo hooyaday. Arintaasina waxay
aheyd aabo ayaa guursadey xaas labaad taasina waxay keentay dhibaato iyo rabsho
qoyskayagii soo dhex gasha. Bacdamaa aan ahaa curadkii reerka arintaasi aniga
shaqsiyan ayey ii taabatay mararka qaarna aabahay gacanta ayuu hooyaday saari
jiray anigoo arkaya. Waxa markaa iga yaryaraa saddex caruura oo walaalahay
ahaa. Dhamaadkii 1976 kii ayaa markii khilaafkii hooyo iyo aabo ka dhexeeyey uu
meel xun gaadhay gacan-ka-hadalkii aabona uu aad u batay ayaa arintu ay gaadhay
heer aan sii wadan kari waayey waxbarashadeydii. Muddo yar kadibna waxan ka soo
guurnay Jabuuti oo waxaan soo degnay magaalada Burco aabo iyo xaaskiisii kalena
waxay ku hadheen Jabuuti. Halkaasna waxa ku dhaawacmay waxbarashadeydii iyo dareenkaygii
caruurnimo, balse markii aan Burco nimid waxan ku biiray dugsi hoose\dhexe oo
degamadaas ku yaalay.
Dhalinyaranimadeydii
Waqtigii
aan dhalinyarada ahaa waxaan kaloo isku dayey inaan barto farsamada gacanta
sida "auto-mechanics-ka” iyo nijaarnimada howlahaasna lacagyar ayaa iga soo
geli jirtay markaasaan dakhliga reerka oo aad u liitay aan ku biirin jiray
kolba intii itaalkeyga ah. Waxa kaloo aan marwalba dooni jiray qof iiga jawaaba
su’aalo badan oo nolosha ku saabsan oo aan shaqsiyan qabay runtiina ku ma aan
qanci jirin jawaabaha aan mararka qaar dadka ka heli jiray. Sidaas aawadeed
waxaan marwalba u gaajeysnaa inaan si fiican u barto luqad aan afsoomaali aheyn
oo aan wax ku akhriyo si’aan su’aalo badan jawaabo ugu helo. Taasina waxay ii
horseeday inaan luqadda ingisriisiga si fiican u barto inteeda badanna aan
anigu isbaro. Sababtoo ah dugsiyada dowladda luqadda si qoto dheer looguma
baran jirin dadaalkaas dheeraadka ahna waan ku guuleystay markii danbena waxaan
akhriyey buugag badan si aan jawaabo ugu helo su’aalo shaqsiyan ah oo aan
nolosha ka qabay aqoontaydii guudna sare ayey u kacday waqtigaas kadib. Laga
bilaabo sannakii 1979 waan shaqeyn jiray oo waxyaalo kala duwan ayaan qaban
jiray si dakhli aan uga helo oo aan reerka dhaqaalihiisa oo ugu kabo, farsamada
gacanta ayaan ku shaqeyn jiray inkastoo ay shaqadaydu aanay rasmi aheyn.
Waqtiyadaas waxaan kaloo jeclaa inaan wadanada Carabta tago si aan dhaqaale
naftayda iyo ta reerkaba ugu soo kordhiyo balse taasi iima ay suurtagalin.
Dagaalkii
1988 kii
Badhtamihii
1988 kii waxa gobolada woqooyiga ka dhacay dagaal qadhaadh oo u dhexeeyey
jabhaddii SNM iyo dowladdii Siyaad Bare. Dagaalkaasi wuxuu keenay inay dad
badani u qaxaan dalka Ethiopia. Aniga iyo qoyskeyguna waxaan ku jirnay dadkii
Ethiopia u soo qaxay waxaana jiray dad badan oo saaxiibaday iyo qaraabadeyda
ahaa oo dagaalkaa siyaalo kala duwan ugu dhaawacmay amaba ugu dhintay had iyo
jeerna waxaanan ka fekeri jiray sababta ay dadku isugu dilayaan si naxariisdaro
ah oo qadhaadh iyadoo aan usoo joogay nasiibdarrooyin badan oo dagaalkaasi
keenay. Waxan dagaalkaa ku arkay xaqiiqada ah inay dabeecadda aadanuhu tahay
mid aad u xun oo silic iyo saxariir u horseedi karta malaayiin iyo malaayiin
qof oo aan waxba galabsan. Taasina runtii aad bay iiga yaabisay waxaanan aad u
dareemay inay banii’aadanka wax ka khaldanyihiin. Markii aan muddo sannad ku
dhow xero qaxooti oo bariga Ethiopia ku taal ku jiray noloshuna ay runtii aad
iyo aad cidhiidhi u noqotay ayaan aniga iyo laba dhalinyaro ah oo saaxiibaday
ahaa waxan goosany inaan dalka Sudaan u dhoofno oo aan dabeetana meeshii kale
ee suurtagal ah uga sii gudubno. Taasna waxa nagu kaliftay rajo la’aan iyo
nolol xumo ka jirtay xeradii qaxootiga ee aan ku nooleyn markaas. Iyadoo aanu
heysano lacag aad u yar oo aan ka badneyn laba boqol oo doolar ayaan saddex
dhalinyaro ugu soo ambabaxnay inaan dalka Sudaan tagno iyadoo aan Ethiopia oo
dhan dhexmareyno. Balse markii aan Addisababa soo gaadhnay ayey lacagtii aanu
sidanay sii dabayaraatay. Dalka Ethiopia waqtigaas waxa ka talineysay dowladdii
Mingistu soomaalidana aad iyo aad baa looga necbaa. Si kasteba ha ahaatee
markii aan Addisababa muddo bil ah si dhuumasho ku joognay ayaanu gaadhi ka
raacnay oo waxaan u ambabaxnay magaalada Gondar oo woqooyiga Ethiopia ku taala.
Qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan Gondar ka baxno oo aan si dhaqso ah Sudaan ugu
sii gudubno. Markii aan laba cisho Gondar joognay ayaan anagoo lug ah ka baxnay
waxaana gadh-wadeen noo ahaa nin xabashi ah oo dalyaqaan ah oo lacag naga
qaatay shaqadiisuna aheyd howlaha caynkaasa. Deegaankaas Gondar iyo
agagaarkeeda markaas waxa ka socday dagaal kulul oo u dhexeeyey ciidankii
Mingistu iyo jabhadihii mucaaradka ku ahaa. Si kasteba ha ahaatee intii aanaan
gaadhin xadka Sudaan iyo Ethiopia u dhexeeya balse aanu ku dhownahay ayaa niman
maliishiya ah oo dowladdii Mingistu ay diratay na qabteen maalin kadibna Gondar
ayaa nalagu soo celiyey anagoo maxaabiis ah. Gondar waxaan waxan ku xidhneyn
laba bilood oo aad u rafaad badan cuntada iyo biyuhuna aad iyo aad bay noogu
yaraayeen oo waxa nagu dhacay macaluul iyo cuduro intii aanu halkaa ku
xidhneyn. Ka dibna waxa naloo soo wareejiyey Addisababa iyadoo ay xaaladayadu
aad u liidato. Markii aannu Addis nimid waxa nala geeyey jeel gaara oo lagu
heyn jiray dadka siyaasadda u xidhan oo magaalada Addis ku dhexyaalla.
Saddexdayadiina waanala kala qaybiyey oo waxa nala kala geeyey saddex qaybood
oo kala xidhan oo jeelkaas ka mida ahaa muddo toban bilooda oo aannu jeelkaas
ku xidhneyna midkaayona kan kale muu arkin. Dowladda Ethiopia aad bay nooga
shakiday oo waxay noo maleeyeen inaanu nahay basaasiin uu Siyaad Bare iyaga u
soo diray. Waxa kaloo ay la yaabeen sida aannu ugu guuleysanay inaannu u
dhexmarno dhammaan wadanka Ethiopia iyadoo aanaan sidan waraaqo sharci ah iyo
sidii aan u dhaafnay boqolaal kontorol oo ay ciidamada dowladdu dhigeen wadanka
oo dhan.
Baybalka
iyo Addis
Qolkii
aniga la’i geeyey ee jeelkaas Addis ku dhexyaalay ka mid ahaa waxa ku jiray
siddeed nin oo rag odayaala ah, kuwaasoo muddo badan siyaasad u xidhnaa. Raggaas
waxa ku jiray nin wadaad ah oo baadari ah oo ka tirsan kiniisadda Orthodox-ka
ee dalka Ethiopia. Runtii ninkaas wadaadka ahaa aad iyo aad buu ii soo
dhoweeyey. Ninkaas wadaadka ahi wuxuu markaas jeelka ku xidhnaa muddo todoba
sano ah waxaanu ii sheegay in la soo qabtay isagoo u socda dalka mareykanka
waxa kale oo uu ii sheegay inay qoomoyaddiisu Tigree aheyd oo ay taas dowladdii
Mingiste uga shakiday. Waqtigaas waxa jirtay inaan xanuunsanaa isla markaana
waxa iga muuqatay diif iyo gaajo iyo rafaad aad u badan oo laga argagaxo.
Dhammaan maxaabiistii aannu isku qolka aheyna way isoo dhaweeyeen oo waxay I
siiyeen dhar, furaash, busteyaal, kabo dacas ah, saabuun iyo waxyaalo kale oo
aan markaa u baahnaa. Waxa kale oo ay sheegeen shuruucda maxaabiista u degsan
iyo sidii aan noloshayda maxbuusnimo ugu noolaan lahaa. Jeelku wuxuu ahaa mid
aad iyo aad uga fiican kii aan hore u soo marnay, tusaale ahaan wuxuu lahaa
biyo nadiif ah oo markaste socda, library, guri timaha lagu xiirto, meel
teeniska lagu cayaaro, makhaayad shaaha iyo cabitaanada kale lagu iibiyo,
television iwm. Cuntada jeelkuna waxay aheyd mid aad u wanaagsan, sababtoo ah
dadka jeelka ku xidhnaa waxay ahaayeen dad dhammaantood ka soo jeeda dabaqadda
sare ee dalka Ethiopia. Si kasteba ha ahaatee, father Girma oo ahaa ninkii
wadaadka ahaa oo runtii ahaa odey aad u naxariis badan ayaa maalin maalmaha ka
mida wuxuu I siiyey Baybal yar oo new testament (axdiga cusub) ah oo luqadda
ingiriisida ku qoran waxaanu ii sheegay inaan aqoon korodhsi ahaan u akhristo
oo aan wixii su’aalo ah ee aan qabona isaga weydiiyo taasna waan aqbalay.
Runtii anigu shaqsiyan muddo dheer ayaan doonayey inaan marka ugu horeysa ee ay
suurtagal ii noqoto aan Baybalka akhristo oo aan ogaado waxa ku qoran. Waxa
kaloo qorshaha iigu jirtay inaan xitaa akhriyo diimaha kale iyo falsafadaha
kale ee aan islaamiga aheyn si aan u ogaado waxyaalaha ay sheegayaan. Markayga
horeba waxyaalahaasi waxay ahaayeen kuwo aan ku taami jiray oo xitaa markii aan
ardayga ahaa ee aan soomaaliya joogay waxan jeclaa inaan kutubo caynkaas ah
akhristo balse maan heli karin. Intii aanan Baybalka akhriyin wax fikrada oo
sidaasa oo aan ka qabay may jirin marka laga reebo inuu kitaabkaasi yahay
kitaab gaalo oo la bedelay dhow jeer fikirkaas oo ah kii ay qabeen bulshadii
soomaaliyeed ee aan markaas ku dhex koray. Waxaa hadaba markii aan Baybalka
akhriyey aan ku arkay waxyaalo lama filaana oo runtii aanan u fadhiyin.
Waxyaalahaas waxa ka mida ahaa: Alle ka cabsi, naxariis, jacayl, salaad, soon,
samafalid iyo cibaado xitaa ka qoto dheer tii aan bulshadeyda iyo diinteyda oo
aheyd diinta islaamkaba aan ku aqaanay. Sababtoo ah waxaan u heystay inuu
kitaabka Baybalku yahay kitaab ay gaalo qortay oo ay ka buuxaan waxyaalo xunxun
oo qofka iyo Ilaah kala fogeynaya. Balse markii aan kitaabkaas akhriyey fikrad
taas aad iyo aad uga duwan oo aad iiga yaabisay ayaan ku arkay. Waxa kaloo aan
kitaabkaas ku arkay wanaag iyo xaqnimo aad u qoto dheer oo aanan anigu hore u
arkin amaba aanan hore u maqlin. Kuwaas waxa ka mid ahaa amarka kitaabiga ah ee
odhanaya: "cadowgaaga jeclow oo wanaag u samee kuwa ku dhiba iyo kuwa ku
silciya”.
Si kasteba
ha ahaatee markii aan baybalka akhriyey dhowr jeer intii aan jeelkaas ku jiray
waxan runtii fahmay in dhammaan waxyaalihii aan bulshadayda ka maqli jiray ee
ku saabsanaa baybalka amaba diinta kiristaanka aanay ahayn kuwo sax ah. Waxa
kaloo aan dareemay inay jirto aqoon daro badan oo bulshooyinka ku kala
dhexjirta fariinta Nebi Ciisena aanay ahayn sidii la iigu sheegi jiray. Waxa
kaloo aan gartay inay diinta kiristaanku tahay diin xaq ah oo dhammaan
banii’aadanka faraysa Alla ka cabsi, cibaado, naxariis iyo jacayl aad u qoto
dheer oo rabbaani ah.
Raaciddii
Runta
Jeelkii
Addisababa waxaan ka baxnay kadib markii aan ku jirnay muddo hal sano ah
waxaana dowladda Ethiopia ay dib noogu celisay xeryihii qaxootiga ee aan markii
hore kasoo baxnay. Anigu muddo bilo ah kadib waxaan dib ugu soo noqday
magaalada Diridhaba oo aan ka iibsaday kitaab baybal ah oo luqadda ingriisida
ku qoran kaasoo aan si dadaal badan u akhrisan jiray markaste oo aan waqti u
helo. Ugu danbeyna kadib markii aan baadhis badan iyo isbarbardhigid badan oo
shaqsi ah sameeyey waxan goostay inaan Sayid Ciise Masiix iyo fariintiisa
quduuska raaco oo fariintaasina ay tahay runta xaqa ah ee lagu badbaadi karo,
qofka iyo Ilaahna isu soo dhaweyn karta. Runtiina markii aan go’aankaas
muhiimka aan anigu shaqsiyan gaadhay waxa bulshada xaggeeda iga soo gaadhay
dhibaatooyin badan oo lama filaan ah iyo hagardaamooyin badan oo aad u qadhaadh
balse dhibaatooyinkaasi wuxuun bay sii kordhiyeen iimaankayga iyo jacaylkayga
aan Masiixa iyo Jidkiisa u qabo runtiina marnaba maan qoomameyn amaba kama aan
shallaayin go’aankaygii shaqsiga ii ahaa ee aan Masiixa iyo waxbariddiisa ku
raacay sababtoo ah aad baan u hubaa inuu Sayid Ciise yahay ka xaqa ah ee Ilaah
ka yimid. Maantana waxan dareensanahay oo aan hubaa in diinta masiixiyaddu ay
boqolkiiba boqol ay tahay diinta keliya ee Ilaah iyo banii’aadanka oo dhan isu
soo dhaweyn karta dadkuna ay ku heli karaan denbi dhaaf buuxa oo aan Ilaah ka
hello. Jidka xaqa ah ee Sayid waa mid ay ka buuxaan jacayl, naxariis, dulqaad,
iyo daryeelka xuquuqda banii’aadanka oo dhan oo aan la kala soocin.
Erey
Dardaaran Ah
Waxaan
jecelahay inaan ogeysiiyo dhammaan walaalaha taarikhdeydan gaaban akhriyaya In
sababta aan diinta masiixiyadda u raacay ay tahay go’aan qaadasho shaqsiyeed oo
qoto dheer taasoo aan gaadhay kadib markii aan bartay ee aan ku qancay diinta
masiixiyadda oo ah diin aad ii raali gelisay marka la eego dhinacyo badan. Waxa
kaloo aan rumeysanahay inaanay diintu aheyn oo keliya wax la kala dhaxlo balse
ay tahay wax uu shaqsi kaste oo banii’aadan ahi uu xaq u leeyahay inuu doorasho
sameyn karo oo uu dooran karo caqiidadii amaba diintii uu isagu markaas ku
qanco ee uu run u arko. Waxa kaloo aan rumeysanahay inaan shaqsiga
banii’aadanka ah lagu qasbin, lagu dhibin, lagu takoorin amaba aan lagu
waxyeeleynin sababtoo ah diinta uu isagu markaas rumeysanyahay amaba
afkaartiisa iyo falsafaddiisa u gaarka ah. Dad baa waxa ay rumeysanyihiin in ay
tahay in la dilo oo qudha laga jaro qofkii bedela diintiisa amaba fikradihiisa
ruuxiga ah (spiritual orientation) taas waxan u arkaa in ay tahay wax
cadaaladda Ilaah aad iyo aad uga fog isla markaana ku saleysan fikir, dareen
iyo dabeecad aan xagga Ilaah marnaba ka iman. Ugu danbeyna waxaan diyaar u ahay
inaan ka jawaabo su’aalaha iyo faallooyinka iyo weliba canaanta qofkaste oo
akhriya taariikhdeydan aan kaga hadlayo sidii aan Sayid Ciise u raacay.
Sidaa iyo nabad
gelyo iyo nooli kulantee!